Xasan Sheekh oo u safray Imaaraadka xilli Abu Dhabi ay waddo falal xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka Carabta, kadib martiqaad uu ka helay dowladdaasi.

Madaxweynaha, inta uu ku sugan yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, inkastoo aysan weli wax war ah safarkan kasoo saarin Madaxtooyada Soomaaliya, oo inta badan baahisa safarrada madaxweynaha.

Safarkan ayaa imanaya xilli uu dagaal culus ka socdo qeybo kamid ah dalka, kaasi oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dib usoo rogaal celisay kadib markii jab xooggan lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaalka.

Safarkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay dhawaan dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kacday xadgudub ka dhan ah midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, kadib markii ay hab-maamuus dal siiyeen maamulka Somaliland.

Waa socdaalkii u horreeyay ee Xasan Sheekh uu ku tegayo Abu Dhabi kadib shir-madaxeedkii dunida ee UAE ay ku martiqaadday Madaxweynaha Somaliland, taasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub qaranimo.

Xadgudubka Imaaraadka

Bartamihii Febraayo 2025, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Jamhuuriyad ugu yeertay maamulka Somaliland, xilli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku hayso madax-bannaanida, qarannimada, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Imaaraadka, oo markaas madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ku casuumay Shirka Dowladaha Adduunka, ayaa siiyay darajada madaxweyne dal, iyada oo kadib wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka (WAM) ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhowr maalmood ka hor, markii shirka uu furmay, qaar ka mid ah dadka ayaa u arkay in laga yaabo in qoraalka uu ahaa qalad farsamo. Balse kadib waxaa caddaatay in Imaaraadku qaadayo tallaabooyin ula kac ah.

Wareysiga uu Cirro siiyay WAM, oo ay baahisay wakaaladda, ayaa si soo noqnoqosho leh ugu sheegay Somaliland “Dal.”

Cabdiraxmaan Cirro, oo wareysigaas uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Somaliland, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha iyo horumarka.

Heshiisyada Imaaraadka iyo Somaliland

Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa xoojiyay iskaashiga dhanka milatariga iyo amniga, xilli Abu Dhabi ay ballaarineyso saameynteeda Geeska Afrika.

Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in Imaaraadka uu doonayo in uu saldhig milatari ka sameysto gobolka, taasoo xoojin karta joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dhinaca Somaliland, xoojinta xiriirka milatari ee Imaaraadka waa mid la xiriira ammaanka iyo dadaalkeeda ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, Somaliland waxay raadineysay iskaashi dibadeed si ay u xoojiso sheegashadeeda qaranimo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeedda heshiisyada milatari ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, iyada oo ku doodeysa in heshiisyadaasi ay khatar ku yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Saameynta Imaaraadka ee Somaliland ayaa muran dhalisay tan iyo 2017, markaas oo shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay heshiis la gashay Somaliland si ay u horumariso dekedda Berbera.