Xasan oo ugu danbeyntii dib ula midoobaya ardaydii uu maamulaha u ahaan jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Madaxweynihii laga guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socda Khudbad u jeedin doono Boqolaal arday oo wax ka dhigata Jaamacada Simad oo horay uga tirsanaa maamulkeeda.

Xasan Sheekh ayaa Khudbadaasi u jeedin doona inkabadan 1,700 Arday, isagoo intaa kadib u ambabixi doona mid kamid ah dalalka Turkiga ama Tanzania.

Xasan Sheekh oo ilaa iyo iminka kamid ah Aasaasayaasha Jaamacada Simad ayaa waxa ay ujeedka Khudbadiisa noqon doontaa mid uu kusoo bandhigi doono waxqabadkiisa mudada uu hayay Hogaanka dalka.

Wuxuu soo bandhigi doonaa cawaaqibta hortaagneyd Dowladiisa iyo sida ay uga go’neyd in waxbadan ay kusoo kordhiso dalka.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale inta ay Khudbadiisa socto Maamulka Jaamacada iyo Macalimiintaba ku boorin doonaa in galangal xooggan ay ku yeeshaan Siyaasadda dalka iyo sidii ay u hanan lahaayeen Hoggaaminta soo socota ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa mudada ay Dowladiisa ka arrimineysay dalka waxbadan u qabtay ardayda Jaamacada Simad waxa uuna xilal, shaqo iyo deeq waxbarasho u fidiyey Boqolaal arday.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in muddo kadib uu dib usoo muujiyo kamid ahaanshihiisa maamulka sare ee Jaamacada maadaama uu iminka yahay keliya Xildhibaan ka tirsan BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com