Xasan Sheekh oo goordhow loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow loo dhaariyay Xildhibaanimada Baarlamaanka Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqon doona inta uu nool yahay, sida ku qoran Dastuurka dalka.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka, ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in loo dhaariyo xubin ka tirsan Golaha Shacabka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo dhaarinta ka dib ka hadlay Xaruntaasi, ayaa sheegay laga bilaabo maanta in Xasan Sheekh Maxamuud uu lamid yahay Xildhibaanada.

Sida ku cad qodobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, shakhsi kasta oo dalka madaxweyne ka noqda, marka uu xafiiska shaqada ka tegaayo uu noqonayo Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan, inta uu nool yahay.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa noqonaya Xildhibaanka 276aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com