27.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 20, 2025

Sawirro: Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Xarumahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug. “Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa salka ku haya dardar-gelinta hawl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweynaha aya doonaya in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay kaalin muuqata uga qaataan dagaalka Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News