Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Biixi Yoonis oo ah wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay war kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadal waliba oo kasoo yeera DF Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh aysan u arag mid ka weecin doona go’aankooda Siyaasadeed.
Wuxuu sheegay Wasiirka inay haboon tahay in aan laysku mashquulin hadlada uu Xassan Sheekh Maamulka u marinaayo hawada ay noqdaan kuwo aan waxyeeleyn u geysaneynin qodobadii lagu heshiiyay Shirarkii ka kala dhacay Ankara iyo Jabuuti.
Nuqul kamid ah hadalka wasiir Biixi ayaa waxaa kamid ahaa “Xassan Sheekh wax uu xaafadihiisa ugu Sheekeyo wax anaga naga khuseeyaa ma jiraan xaqna wuu u leeyahay waxuu doono ayuu halkaas ka oran karaa ciduu la hadlayana waa dadkiisi anaga Somaliland baa nala yiraahdaa wadan gaar ah baanu nahay ee naga daay erayada aanu dhibsanay”
“Adeer Xamar hadii ay Tiraahdo Hargeysa iyo Somaliland ayaanu keenaynaa iyaga ayey u taala sida ay u keenayan iyaga ayaa yaqaana Hargaysa iyo Somaliland wax go lagu qaado ka weyn Somaliland waxaa ka go’an gooni isku taageeda, Somalia qadiyadeeda ha hormariso” ayuu yiri Maxamed Biixi Yoonis.
Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ka aamuseen hadalo garaafeynaaya Maamulka oo kasoo yeeray DF Somalia, waxa uuna Tilmaamay in taasi ay kala xisaabtami doonaan.
Ugu dambeyntii, waxa uu DF Somalia uga digay hadalada ku aadan Maamulka Somaliland oo ay kala tashaneyso Dowlada dariska la ah Somalia, kadib markii uu sheegay inay heleen Macluumaadyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]