Xildhibaano shaaciyey danta laga leeyahay qorshaha Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa dhaliilay dib u dhaca ku yimid qorshe howleedkii ku saleysnaa arimaha doorashada dalka Soomaaliya ee laga sugayay dowlada Xasan Sheikh.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in dowlada Xasan Sheikh ay qadeyso masuuliyada dib u dhaca ku yimaada jadwalka doorashada sanadkaan, isagoo sheegay iney ka warhayaan qorsha ay doonayaan madaxda dalka oo ah in dib u dhac laga shaqeeyo si ku talo gal ah.

Xildhibaan C/samad wuxuu shaki weyn geliyay sida xildhibaano ka horeeyay ay muujiyeen in doorashada sanadkaan ay ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay, maadaama haatan laga shaqeynayo sidii doorashada dib loogu dhigi lahaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda madasha markii hore ay dajiyeen shax loogu talo galay in loo maro nidaamka doorashada sanadkaan, balse haatan ay muuqdaan inaan lagu dhaqmeynin qorshihii horey loo dajiyay, oo si ku talo gal loo baajin rabo.

“Soomaaliya waxaa go’aankeedu ahaa iney isku tashadaan si ay doorasho u dhacdo, haddii la isku tashadana waxaan is leeyahay waa dhici kartaa, waxaan is leeyahay waxaa jirta inaan wali loo diyaar garoobin doorashadii iney wakhtigii loogu talalgalay ku dhacdo”

“Waxaana ku tusineysaa arrimaha maanta laga hadlayo waxay ahayd in wakhti hore laga hadlo oo mar hore la diyaariyo, waxaad moodaa dib u dhaca dhacaya ama maamul xumo ha u dhaco ama ku talgal ha u dhecee, maaha mid iska yimid waa wax la ogsoon yahay oo laga war qabo baan aad u aaminsanahay” .

Hadalkaan wuxuu xildhibaanka jeediyay kadib wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqidsho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com