Xasan Sheekh oo culees kale la kulmaya iyo Sheikh Shariif oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheikh Maxamuud oo sanadkaan musharixiin badan la tartamayaan ayaa dareemaya culees kale oo dhanka musharixiinta ah.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa saacadaha soo socda muddo afar sano kadib shaacinaya inuu yahay musharax madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan.

Xaflad lasoo agaasimay ayaa la qorsheynayaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya kumanaan dadweyne ah.

Xubno kamid ah dadka wada ololaha Sheikh Shariif ayaa xaqiijiyay in maanta uu shaacinayo inuu yahay musharax la tartamaya madaxweyne Xasan oo 2012 kii kaga guuleystay doorashadii dhacday.

Ku dhawaad 3 kun oo ruux ayaa lagu casuumay iney kasoo qeyb galaan xaflada Sheikh Srahiif msuaharaxnimadiisa uu maanta ku shaacinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com