Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Urur gobaleedka IGAD ku dacweeyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.
Dacwada Xassan Sheekh ayaa la xiriirtay sida IGAD ay uga hor imaan laheyd qorshooyinka ay maagan yihiin Jubbaland iyo Puntland, waxa uuna Dacwadaasi si gaar ah u hordhigay Wasiirka arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Jabuuti.
Xassan Sheekh waxa uu sheegay in nasiib darro ay noqon doonto in IGAD ay mar waliba qasto arrimaha Somalia ama ay garab soo siiso maamulada qaar waxa uuna ka digay in xiliga lagu jiro ay sii naas-nuujiyaan maamulada kasoo horjeeda nidaamka lagu sii maamuli doono Somalia ee 4.5.
Xassan waxa uu sidoo kale si gaar gaar ah madaxda uu ku tuhunsan yahay inay hoos ka ololinayaan Siyaasada Somalia ee garabka boodaaya Jubbaland iyo Puntland uga digay in wakhtiga lagu jiro kala guurka ay dhexda ka jaraan Somalia misna ay iska horkeenaan Dowlada iyo maamuladaasi.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan Sheekh waxa xubnahaasi ka tirsan IGAD ka dalbaday inay taageeran 4.5 si Somalia loo gaarsiiyo heer ay kaga gudbikarto nidaamkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xassan oo iminka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in socdaal uu ku gaari doono qaar kamid ah Gobolada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]