25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xasarada Sacuudiga iyo Qadar oo sii fogaatay iyo boqor Salman oo soo bandhigay dukumiintiyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga gaaray Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Jaber Al Sabah.

Safarka Amiirka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xiisada u dhexeysa dowladaha Sacuudiga iyo Qadar, taa oo iminka gaartay meel xun.

Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah, oo kulan hordhac ah la qaatay boqor Salman, ayaa dalbaday in amar la’aan la joojiyo xiisada.

Amiirka dalka Kuwait, ayaa dhigiisa u sheegay in Kuwait ay aad uga murugeysan tahay xiisada oo suuragalinkarta inay saameyn ku yeelato dhammaan dalalka islaamka oo la kala safta dhinacyada ay xiisada u dhexeyso.

Boqor Salmanka Sacuudiga ayaa dhigiisa Kuwait hordhigay dukumiintiyo cadeyn ah in dowlada Qadar ay waxbadan kala soctay ilaa afar weerar oo Kooxda Daacish ay ka fulisay magaalada Riyadha, waxa uuna sabab u waayay sida lagu qaboojin lahaa xasarada kala dhexeysa Qadar.

Sheikh Sabah, ayaa matalaya dhexdhexaadiyaha u dhexeeya Doha iyo waddamada kale ee Carabta kuwaas oo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kan gaadiidka u jaray Doha.

Dowladaha Saudi Arabia, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa gooyay xiriirkii ay la lahaayeen Qatar iyagoo, ku eedeeyay inay taageeraan “Argagixisada Daacish” iyo Iran.

Dhinaca kale, Dowlada Masar ayaa loo arkaa inay sii ololineyso xiisada waxa ayna sheegtay in ay diyaaradaha Qadar ka xiranayso hawadeeda iyadoo uu sii korayo muranka dublamaasiyadeed, waxaana la filayaaa in Sacuudi Carabiya iyo Baxraynna ay sidaas oo kale sameeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News