24.8 C
Mogadishu
Sunday, February 8, 2026

XASAN SH. iyo Hailemariam oo kulmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu magaalada Addis ababa kulan muhiim ah kula qaatay Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Kulanka labada Mas’uul ayaa ahaa mid ay ku faaqidayeen xiriirka labada dal iyo kaalinta Dowlada Ethiopia ay kaga jirto xasilinta Somalia.

Kulanka labada Mas’uul kadib ayaa waxaa warbaahinta maxaliga ah la hadlay Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys Jaamac oo sheegay in kulanka uu ahaa mid macna gaar ah ugu fadhiya Somalia iyo Ethiopia, waxa uuna tilmaamay in labada dhinac ay isla jeex jeexeen arrimo badan, oo xaaladda dalka ku saabsan.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa xalay Magaalada Addis Ababa waxa uu kaga qaybgalay munaasabad ku saabsan dhaq dhaqaaqii xoriyad-doonka Ethiopia iyo markii tallada dalkaasi ay la wareegeen oo ku beegan 1991-kii.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka amba baxay Magaalada Muqdisho, iyadoo uu fiidnimadiin xalayna ka degay Magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News