24.4 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Madaxweyne XASAN oo xaalad jahwareer ah ku haysato D/Mareeb kaddib markii odayaasha…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Shirka Dhuusamareeb iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in weli ay isku mari la’yihiin halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Cabdi ladiif Maxamed Warsame oo ku magacaaban Afhayeenka Odayaasha oo meel fagaaro ah kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in inta badan Beelaha Ergooyinka uga qeybgalaayo shirka ay doonayan in Shirka lagu qabto Dhuusamareeb halka Madaxweynaha uu sheegay in uu daneynayo in shirkaasi uu ka dhaco Degmada Cadaado.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa diidmo kala kulmaayo Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Dhuusamareeb in shirka ay u aadan Cadaado, waxa ayna si ganbasho la’aan Xassan ugu sheegen inaysan xaadiri doonin Cadaado.

Xassan Sheekh ayaa iminka ku jahwareersan Khilaafka soo kala dhexgalay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Habar-Gidir, waxaana laga cabsi qabaa in Madaxweynaha uu qaato go’aan adag waa haddii uu sii socdo Khilaafka ka taagan halka shirka uu ka dhacaayo.

Madaxweynaha ayaa weli kulamo gaar gaar ah la leh waxgaradka ku adkeysanaya in shirka lagu qabto Cadaado iyo kuwa Dhuusamareeb.

Dhanka kale, Khilaafka ayaa bilowday ka gadaalmarkii Ergada Dhuusamareeb ay habeen ka hor soo saareen Warsaxaafadeed ay kaga soo horjeesteen in Shirka Maamul u sameynta lagu qabto meel ka baxsan Magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News