Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad la sheegay inay ku hubeysnaayen Bastoolado ayaa degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ku toogtay Ganacsade halkaasi caan ka ahaa.
Dilka Ganacsadahaani ayaa fuliyay ilaa 7-ruux oo watay gaari, kuwaasi oo dilka kadib si nabad galyo ah uga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.
Goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, ayaa warbaahinta u sheegay in ragga dilka geystay ay mudo kooban la sheekeysteen Ganacsadaha kadibna ku fureen rasaas farabadan, halkaasina ugu dhintay rasaasta.
Ciidamada Amaanka degmada Caabudwaaq ay iminka wada baaritaano ku aadan dadka dilka geystay iyo sidoo kale halka ay ku baxeen.
Dhanka kale, Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa iminka degan, inkastoo shacabka ay aad u hadal hayaan dilkaan loo geystay ganacsadahan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]