Madaxweyne Xasan “Aniga kaligii taliye ma ahi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Muqdisho kula hadlaayay Warbaahinta madaxa-banaan, ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn in dalka Somalia uu ka hirgalo xukun kaligii talis ah.

Waxa uu sheegay in burburka Somalia uu sabab u ahaa xukunka kali talisnimo, waxa uuna si cad u sheegay inaan arrintaasi mar kale ka dhici doonin dalka Somalia.

Nuqul kamid ah shirkiisa Jaraa’id ayaa waxaa kamid ahaa “waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed aan maanta u cadeeyo in Somalia aysan ka hirgali doonin xukun kaligii talis ah oo hal nin uu ka taliyo iyo koox yar ay ka taliso inay dalka ka hana qaadaan oo ay Dowladnimo gaarto”

Waxa uu iska fogeeyay inuu yahay Madaxweyne Digtaatoori ah, isagoona tilmaamay inuu la socdo in inta badan Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ay hadal hayaan in Xassan uu yahay ruux kali talis ah.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in Somalia uusan wadi karin ruux Digtaateeri ah, taasina ay meesha ka saareyso in Dowladiisu ay ku dhaqanto xitaa wax u dhow Digtaateeriyad.

Isagoo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Dabcan waan kala garankarnaa habdhaqanka Madaxweyne Digtaateeri ah iyo kali taliska laakiin Dowladnimo Soomaaliyeed waa lagu keeni waaye cidii reer hebel isku baheysatay iyo cidii tiri dal hebel ayaa i taageeraya.”

Dhanka kale, waxa uu carabka ku dhuftay in DF Somalia ay ku dhisman karto rabitaanka bulshada, wadajirka dadka iyo in wada tashiyada laga qayb geliyo dadka talada dalka wax ku leh.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo inta badan lagu dhaliilo inuu yahay Madaxweyne kali talis ah oo howlaha DF kusoo koobay shaqsiyaad gaar ah.

Inta badan Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Siyaasada Dowladiisa, ayaa ku dhaliila in Madaxweynaha in keliya raga isaga ku dhow dhow uu ka talo qaato, islamarkaana aanu waxba ka dhageysan qaybaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com