Siyaasi si cajiib ah uga hadlay booqashadii Kerry

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Magaalada Muqdisho uu booqasho ku imaaday Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka John Kerry, ayaa waxaa booqashadaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Dowladii KMG ahady Ismaaciil Hurre Buubaa.

Buubaa oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Somalia, ayaa sheegay in booqashada John Kerry ay dawo u tahay dalka Somalia.

Waxa uu sheegay in booqashadaasi ay timid waqti dowladda Somalia ay u baahan tahay taageerada beesha Caalamka, isaga oo sheegay in tani ay dhiiragalin karto wadamada kale inay kusoo dhiiraadaan Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Somalia uu waa cusub u baryay taasina ay cadeyn u tahay booqashooyinka ay Somalia kusoo gaarayaan xubnaha Beesha caalamka ka socda ee booqanaayo xarumaha dowlada.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay Siyaasada dalka, waxa uuna Madaxda dalka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan, hadii ay taasi suuragalin waayana ay fursadaasi istaagi doonto.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayuu ku bogaadiyay inay sii laba jibaarto booqashooyinka Somalia iyo ka samata bixinta xaaladaha uu ku jiro dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com