Xog: Mareykanka oo shaki ka qaba in XASAN SH. uu doorasho xalaal ah dalka ka qaban doono !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry shalay booqasho mar-la-arag ah ku yimid magaalladda Muqdisho, ayaa waxaa soo baxayo inay Dowladda Maraykanka shaki ka qabto qabsoomida Doorashadda la filayo in sannadka soo socda ka dhacaan Somalia.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay inay og yihiin inaysan Doorashooyinkaasi dhici doonin.

“Kuma socoto inay Doorashadaasi noqoto mid ku salaysan Hal qof iyo hal cod (One man and one Vote)”

Dhinaca kale, Sarkaalka ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka waxa uu carrabka ku dhuftay inay haatan indhaha ku hayaan dhowr xulasho oo loo qaban karo Doorashooyinka, isla markaana ka duwan qaababkii hore ee lagu dooran jirey Hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Hadalka Dowladda Maraykanka ayaa muujinaya inay doonayaan Isbedel lagu sameeyo qaabka wax loo dooran jirey, si meesha looga saaro hab-dhaqanka gurracan ee ay u dhaceen Doorashooyinkii ore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa xilkaasi loo doortay kadib, markii ay Xildhibaanadda Barlamaanka u codeeyeen .

Qabashadda Doorashooyinka lagu dooranayo Madaxweyne iyo Barlamaan cusub ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Hiigsiga ee sannadka 2016-ka, kaasi oo ay Beesha Caalamka rajo weyn ka qabtay inay Somalia u horseedi doonto Nidaam Federal, Dimuqraadiyad iyo in la qabto Doorasho ku salaysan hal qof iyo hal cod.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com