Dhageyso: Guddoomiyihii guddiga dib u eegista dastuurka oo lix arrimo dartood isku casishay !!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gudoomiyihii gudiga Dib u eegista Dastuurka dowlada Federaalka ee sida KMG ah u ansaxsan ayaa ku dhawaaqday iney iska casishay xilkaasi.

Caasho Geele Diiriye, oo saxaafada kula hadashay magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqday iney maanta iska casishay xilka gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka Soomaaliya.

Waxay sababta ay xilkaasi kaga tagtay ku sheegtay iney lix arimood, waxaana ugu horeeya siday ay sheegtay khilaafkaadka ka dhextaagan madaxda dowlada Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay iney muddo bil ah aan wax shaqo ah la qaban ayna jiraan howlo badan oo gudigaasi looga baahnaa iney qabtaan.

Halkaan hoose ka Akhriso qodobada:-

1- Waxaan shaqsiyan odorasay inaysan sahlaneyn suurtagalnimada dhameystirka Dastuur Hishiis lagu wada yahay xilliga kooban ee noo haray, iyadoo ay isa soo tarayaan xaalado siyaasadeed oo cakiran oo dalka ka jira, Ku kala Fikar duwanaashaha Fasiraada Qodobada dastuurka qaarkood , u heelanaan la,aanta Sareynta Dastuur Qaran oo dhameytiran oo aan ka horimaaneyhn dastuurada ay gaar u leeyihiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada federaalka somaliya.

2- Inkastoo aan caad ku rogneyn inay dalka ka jiraan duruufo adag oo aan kala dhib yareyn hadana waxaa cad in aan qorshe fiican horay loogu sameyn Dastuurka Qaran iyo dhameytirska ficliyan aan mudnaan fiican helin.

3- Xubnahayaga guddiga Madaxabanaan laftooda ayaa gaabisyada iyo ka faa,ideysashada la’aanta waqtiga qeyb ka ah maadama badankayagu aana dalka gudihiisa deegaan ku laheyn ,waxaan ku kala aragti duwanaanay suurta galnimada ku shaqeynta iyo ku milmida duruufaha adag ee dalka ka jira , dhexgalka bulshada ka faa’ideysashada iyo soo dhaweynta u heelanayaasha xirfadaha kala duwanleh iyo isticmaalka aqoonta iyo fursadaha laga helikaro qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed si loo dadajiyo geeddi-socodka dastuurka taas oo keentay in aan waqti u garda duubnaano fursado aan muuqan goorta ay imanayaan.

4-Guddiga madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka ee sida magaca uu tilmaamayo aan kali ku aheyn ka go’aan qaadashada bilowga ilaa iyo dhameystirka dastuurka oo ay ku wehliyaan hay’ado kale oo dastuuriya oo aan qorsheynta iyo dhameytisrka shaqada hormuud ka ah, ha yeeshee marka gaabis yimaado cida kaliya oo aan farta lagu fiiqayo oo masuuliyadda fashilka qaadandoonta ay noqonayaan Guddiga Madaxa banaan oo loo igmaday inqy dib u eegaan dastuurka oo aan gudoomiyaha ka ahay.

5-Dhaqaalihii uu u baahnaa in lagu dhameystiro dastuurka oo af ahaan ay hadal hayntiisu badantahay ha yeeshee ficil ahaan sugaal tahay.

6-Waxaa jira daneeyayaal badan oo aan isla socon qorshayaal kala duwan ka leh dastuurka iyo dib u eegistiisa, kuwaas oo laftigoodu carqalad horleh ku noqonkara in lagu guuleysto dastuur dhameytiran oo hishiis lagu wada yahay .
Gelle1

Gelle2

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com