Xasan Sheikh “Wax heshiis ah Garoowe kulama soo gelin Puntland, wada-tashi unbaa dhacay” !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad oo aan gambasho laheyn kaga hadlay shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Waxaa aad loo hadalhayay iney jireen hishiisyo dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay ku gaareen magaalada Garoowe, taasi oo dhalisay in jawaabo badan laga bixiyo.

Laakiin arintaasi waxaa shakiga ka qaaday Xasan Sheikh Maxamuud oo sheegay in shirkii Garoowe uusan aheyn wax hishiis ah oo la wada gaaray, wuxuuna ku sheegay inuu ahaa kulan wadatashi ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyay in kulankaasi uu ahaa mid ay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ay ku wada tashanayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin wax saxiix ah oo dhacay oo cadeynaya in hishiis la wada gaaray, isaga oo shacabka ugu baaqay iney arintaasi ogaadaan ayna is dajiyaan.

“Shirkii Garoowe wuxuu ahaa mid wada tashi ah oo ma aheyn hishiis la gaaray, waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed arintaasi u cadeeyo, wax saxiix ah oo dhacay ma jirin”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Maamulka Puntland iyo dadka kasoo jeeda deegaanadaasi ayaa aaminsan  in shirkii ugu dambeeyay ee Garoowe uu ahaa hishiis ay kala saxiixdeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com