Beesha madaxweyne Xasan Sheekh oo go’aan 8 qodob ah ka qaadatay SHIRKA CADAADO (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanadda, Dhallinyarradda  iyo Haweenka Beesha Wacayle ee ka qeyb-galayo Shirka Dhismaha Maamul-u-smaaynta  Goballadda Dhexe ayaa waxay kulan ku yeesheen Degmadda Cadaado.

Beesha Wacaysle oo ka mid ah Beelaha wada deggan Gobalka Mudug iyo Galgaduud ayaa waxay degaanadooda kala  yihiin Xarar-dheere, Ceel-dheer iyo Galcad.

Wada-tashi dheer oo ay qeybaha Bulshadda ee Beesha Wacaysle waxay go’aamiyeen:-

1 – Markii aan ogaanay in odayaal dhaqameedkii saxiixayaasha ahaa kana mid ahaa 135-ka xubnood ee sababta u ahaa dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya ee hada dalka ka jira oo laga tegay magacyadooda beddelkoodana la qaatay xubno Rimay-gacmeed ah.

2 – Markii aan ogaanay in Guddigu Farsamadu sameynayo isla markaana meel marinayo Go’aano been abuur ah oo ka soo horjeeda rabitaanka Beesha.

3 – Markii aan garanay in Guddiga farsamadu doonayo in uu meelmariyo Go’aano been abuur ah ee Beeshu ku keeni karto  khilaaf iyo kalsooni-darro.

4 – Markii ay noo cadaatay in maamulka Guddiga farsamadu ku sameeyay  xad-gudub dhammaan beelaha kale oo iyagana ka cabanayo caddalad-darro.

5 – Marki aan xaqiijinnay in xulidda magaacibista xubnaha Guddiga farsamada aan lagala tashan Beelaha ay ka soo jeedaan balse ay ku yimaadeen  go’aanka Dowlada .

6 – Markii ay noo cadaaday in aysan jirin wax qorsho qoraal ah ama sharci hoosaad ah  oo la raaco oo Guddiga farsamadu u diyaariyay shirka maamul u sameyta ee Gobolada dhexe,  isla markaana hubsanay in ay ka maqan tahay Guddigan waaya-aragnimo iyo aqoon ay ku fulin lahayeen waajibaadka loo xilsaaray.

7 – Markaan ogaanay in Gudoomiyaha Guddiga farsamadu uusan siineyn wax tixgalin ah awamiirta iyo talooyinka kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha. 

Waxa aan maanta oo  taariikhdu tahay Bisha May 5, 2015, shirkan Jaraaid  ku cadeynaynaa in Beesha Wacaysle aad uga xun tahay maamul xumada iyo musuq-maasuqa baahsan oo aan gambashada lahayn oo ay farahana kula jiraan madaxda Guddiga farsamada  anagoo ku eedeneyno falalkoda ku dhisan cadaalad darada ah iyo faragelinta tooska ah oo xambaarsan iska horkeenka iyo colaad ka dhexdhalinta Hogaamiyayaasha dhaqanka Beesha.

Hadaba anaga oo tixraaceyno sababaha aan soo sheegnay , waxay Beesha Waceysle  go’aansatay Qodobada  soo socda:

1 – In ay kalsoodinidii kala noqdeen Guddiga Farsamadda,  maadaama ay garab mareen go’aanka Beesha iyo fulinta awaamiirta Madaxda qaranka ee  Dowlada Federalka iyadoo la  ogson yahay in Guddigaasi lagu soo xulin rabitaanka iyo kalsonida Beelaha, balse ahayeen xubno ay Dowladu iskeed u  soo magacaabatay.

2 – Beesha Wacaysle waxay soo jeedineysaa in Guddiga farsamada la kala diro maadaama ay  ku fashilmeen howlihii iyo waajibaadki loo igmaday  sababtoo ah waxay siminaar u fureen xubno aan wakiilo ka ahayn beelahooda.

3 – In Beesha Wacaysle ka fiirsaneyso jawaab cadna ka bixin donto ka mid ahaanshaha iyo xubinnimada Beelaha ku midoobay dhismaha maamul u sameynta ee Gobalada dhexe.

4-    Beesha Wacaysle  waxay ku baaqayaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ku shirsan Cadaado isla markaasna wada dega Gobolada Mudug Iyo Galgaduud in ay isugu yimaadaan shir wada tashi ah si xor ahna u  dhistaan Dowlad Goboleed ay ku mideysan yihiin maadama Dowlada dhexe ee federalka wax ka qaban weyday musuqa iyo cadaalad darada ay ku shaqeynayaan Madaxda Guddiga farsamada.

5 – Beesha Wacaysle waxa ay ka codsaneysaa Xukuumada iyo Baarlamaankaba in ay Guddiyo xaqiiqa raadis ah u soo diraan shirka Caddado si loo ogaado dhibaatada jirta ee Beeluhu ka cabanayaan.

6 – Waxaan Beesha Caalamka ku wargalineynaa  gaar ahaan UN-ka, African Union, Ururka  IGAD iyo European Union in shirka caddaado ee maamul u sameynta Gobollada dhexe u muuqdo mid ku socdo burbur, fashil iyo kala tag waxna ka soo bixi doonin, waxaana  Mas’uuliyadeeda qaadi doonto  Dowlada Federalka  oo aan talabo wax ku ool ah ka qaadi weysay arrintaas.

7 – Beesha Wacaysle waxa ay ku wargalineysaa dhamaan Beelaha shirka Caddado ku sugan in wixi khasaaro colaadeed ah ee ka dhasha falalka foosha xun in ay kula xisaabtamaan Guddiga Farsamada.

8 – Beesha Wacaysle waxay u taagan tahay badbaadinta iyo aaya-katalinta danaha dadkooda waxayna wax la qeybsan doontaa meesha ay maslaxadooda ku jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com