Dhageyso: Siyaasiyiin reer Puntland ah oo qiray in heshiiskii Garoowe uu dagaal horseedi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ayaa digniin kasoo saaray dagaalo ka dhaco gobolada dhexe ee dalka.

Waxgaradkaan ayaa sheegay in hishiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe ku sheegay inuu yahay mid horseedi kara waxyeelo iyo isku dhac dhexmara beelaha kala duwan ee daga gobolada dhexe.

Mid kamid ah waxgaradka shirka ka qeyb galay ayaa saxaafada u sheegay in waxgaradkooda ay diidayaan in 25 sano kadib dhiiga ummada Soomaaliyeed uu daataa ayna kasoo horjeedaan arintaasi.

Waxay sheegeen in ummada Somaaliyeed ay kasoo daashay dagaalo sukeeyo iyo dagaal dhanka qabaa’ilka ah haddana ay joogaan xiligii ay ka nasan lahaayeen.

Ugu dambeyn waxgaradka ayaa ku baaqay in ummada Soomaaliyeed ay ka fakaraan halka u noqon laheyd caasimad sharciga ku shaqeysa oo ay kala jeedeen gobolada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com