Puntland: Xilkii C/WELI GAAS oo la isku haysto!!

Garoowe (Caasimada Online) – Khilaaf ayaa ka dhashay cidda sii haynaysa xilka Madaxweynaha Puntland, xilli ay Puntland ka maqan yihiin Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isagu sii hayey xilka madaxweynaha ayaa ka dhoofey magaalada Gaalkacayo isago hadda ku sugan Kismaayo. Camey ayaa xilka uga sii tegey Wasiirka Cadaaladda Ismaaciil Maxamed Warsame.

Tallaabadaas waxaa si aad ah uga caroodey Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku tilmaamey mid sharci darro ah maadaama [sida uu sheegay] hab-maamuuska dowladda Puntland dhigayo haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin in guddoomiyaha barlamanku sii hayn doono xilka madaxweynaha.

Wuxuu guddoomiyaha barlamanku soo saarey qoraal uu ku cadeynayo inuu yahay sii hayaha xilka madaxweynaha, qoraalkan ayaa u qornaa sidan:

warqad