Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminaayay ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa lagu wadaa in Magaalada Addis ababa uu uga qeybgalo Shirkii 5-aad ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).
Shirka ayaa ka furmi doona magaalada Baxardaar ee dalka Ethiopia, waxaana shirkaasi isku arki doona Madaxda Qaarada Africa, iyadoo diirada lagu saari doona Amniga Africa iyo doorka nabad ilaalinta.
Madaxweyne Xassan ayaa shirkaasi oo maalinta bari ah furmaaya ka jeedin doona Khudbad ku saabsan amaanka guud ee Africa, gaar ahaan Somalia.
Socdaalka Xassan Sheekh ee Addis ababa ayaa imaanaya xili Dowlada Ethiopia ay dhawaan xiratay Webiga, waxa uuna sidoo kale imaanayaa xili uu ku guda jiro Doorasho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]