Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Munich ee dalka Jarmalka ka degay wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga Madaxweyne Xassan ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin waxaana lagu wadaa in wafdigaasi ay magaalada Munich uga qeybgali doonaan shir looga hadlaayo arrimaha amniga, kaasi oo ay ka qeybgali doonaan ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo kuwa difaaca.
Inta Wafdiga Dowlada ay ku guda jiraan shirkaasi ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Xassan Sheekh lagu sameeyo qaliin madaxa ah.
Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inay madaxa kaga taallo buro ku haysa xanuun darran, uuna u baahan yahay qaliin dalka dibeddiisa ah.
Burada madaxweyne Xassan Sheekh ku taal, oo uu isku dayey in muddo ah inuu qaliinkeeda sugo inta uu xilkiisa ka dhamaanayo, oo ka galayo doorashada soo socota, ayaa lagu warramayaa inay sii weynaaneyso, xanuun daranna uu dareemayo, waxa uuna qorshuhu yahay in gudaha Asbuucaani dhalan doona uu maro qaliinka.
Xanuunka madaxweynaha ayaa ah mid aad u darran xilliga habeenkii, taasi oo dhalisay in dhib badan uu kala kulmo inuu hurdo, sida xogta ay heshay Caasimada Online ay sheegeyso.
Caasimada Online ayaa xogtaani horay u daabacday February 9, 2016, waxaana suuragal ah in Xassan Sheekh uusan dhameysan shirkaasi ka furmaaya magaalada Munich ee dalka Jarmalka.
Tan iyo markii Madaxweyne Xassan Sheekh loo doortay Hogaaminta dalka ayaa waxaa isa soo taraayay xanuunada ku dhacaaya waxaana xusid mudan in xilli hore uu safar caafimaad dhanka wadnaha ah ku aaday dalka Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]