Socdaalkii Xasan uu ku tagi lahaa Jowhar oo hal arrin u baaqday

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweynaha uu ka baaqday Safarkii uu maanta ku gaari lahaa magaalada Jowhar.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha ay howlo kale kusoo baxeen, sidaa darteedna ay uu baajiyay safarkiisa.

Sababaha ugu weyn ee baaqashada Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa shirka Madasha oo maanta lagu soo xiraayay magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha oo ay u joogto martida shirkaasi.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta ka socday qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa, hayeeshee waxaa soo baxay in Madaxweynaha uu baaqday.

Xassan Sheekh ayaa maanta madaxtooyada ku soo xiray Shirkii Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo Shalay uu Ra’isul Wasaare Sharmaake dib uga furay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com