Xassan Sheekh oo ka digay arrin ay Dowladiisa ku caanbaxday (Maxaa soo kordhay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa ku baaqay in laga waantoobo Khilaafyada joogtada ah ee ka dhex curta Umadda Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo is qabqabsida siyaasadeed ee xiligaan dalka ka jira, waxa uuna cadeeyay in dadka ku kala fogaada is qabqabsiga ay yihiin Siyaasiyiinta.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Khilaafka iyo Is qabqabsiga uu yahay mid daashaday dalka waxa uuna sheegay inaanu garan karin halka ay ka imaadan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Somalia aya mar waliba u taagnaan doonto ka gaashaamashada wax waliba oo iska horkeenikara Shacabka iyo Siyaasiyiinta waxa uuna carab dhabay in 2020 ay Somalia gaari doonto in dalka ay ka dhacaan doorashooyin xor oo qof codkiisa ah.

Waxa uu sheegay in qudhiisa uu aad uga walaacsan yahay dib u dhacyada ku imaaday doorashada dalka, waxa uuna tilmaamay inay ku dadaali doonaan sidii aanu mar kale ku imaan laheyn dib u dhac.

Waxa uu sidoo kale, sheegay inaanu mar kale dhici doonin dib u dhac waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan caqabado.

Haddalka Madaxweynaha ee ku aadan hakinta Khilaafka iyo is qabqabsiga Siyaasiyiinta ayaa waxaa bilowga Is qabqabsigaasi uu ka imaadaa Xafiiskiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com