QM oo wakiil cusub Somalia usoo magacawday xili kala guur uu dalka ku jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM BanK moon, ayaa waxaa lagu shaaciyay in madaxa Xafiiska Taageerada QM ee Somalia UNSOS loo magacaabay Hubert Price.

Mr Hubert Price, ayaa lagu sheegay qoraalka inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Qalabka sida ee dowladda Mareykanka, waxaana la sheegay in khibrad fog uu u leeyahay howlaha iminka laga sugaayo inuu qabto.

Hubert Price oo ah shaqsiga loo soo magacaabay Somalia, ayaa waxa uu horay uga soo shaqeeyay dalka Liberia muddo ku dhow 5-sanno.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM BanK moon, ayaa isna sheegay in Hubert Price uu waxbadan kala shaqeyn doono dowlada Somalia, oo iyadu u baahan inay hesho shaqooyin ay ku dheehan tahay Hufnaan.

Hubert Price, oo la magacaabay Isniintii ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani uu soo gaaro magaalada Muqdisho si uu ula wareego Xafiiska Xafiiska Taageerada QM ee Somalia UNSOS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com