DEG DEG: Qarax aad u xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu qadar yar un ka hor kadhacay ka soo horjeedka Sarta Seybiyaano Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa laga soo buuxiyay gaari noociisa uu yahay Kaarib, waxaana ku dhintay Hal ruux.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray dad shacab ah kuwaasi oo ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee ku dhow dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu geystay gubasho, waxaana goobta ku qulqulaaya gaadiidka dab damiska ah.

Qaraxa ayaa waxa uu daba socdaa Qaraxyo maalmahaani danbe ka dhacaayay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com