Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu ka hadlay wararka la xiriira isdaba-marinta Hantida Qaranka.
Waxa uu sheegay inay dowladu ay si buuxda ula dagaalami doonto musuqa lagu eedeynaayo, waxa uuna meesha ka saaray inuu wax kala socdo talaabooyinka musuqa ee lagu eedeynaayo Hay’adaha dowlada iyo shaqsiyaadka farakutiriska ah.
Madaxweynaha ayaa xusay inay hadda dhisan yihiin hay’ado awood u leh xakamaynta musuq-maasuqa, balse cilada ugu weyn ay tahay in si joogto ah loola socdo qaabka ay u dhacdo Musuqa.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in caddaaladda la hor geynayo cid kasta oo lagu helo musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.
Marar kala duwan oo hore ayaa musuq-maasuq lagu eedeeyay hay’ado ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]