28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kay ku daray liiska qaswadayaasha Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu Beesha Caalamka ku wargaliyay in Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Nicholas Kay uu kaalin fiican ka qaadanaayo Khilaafka ka dhextaagan Dowlada.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale, la Tilmaamayaa in QM uu ka dalbaday in Kay lagala hadlo faragalinta Khilaafka, isagoona Cadeeyay in Labada dhinac uu qeyb la saftay.

Sidoo kale, waxa uu ka Codsaday in QM ay xooga saarto sidii Nicholas Kay bedelkiisa loo heli lahaa Mas’uul u qalma booska uu iminka ku magacaaban yahay, sida ay xogtu sheeheyso.

Xasan ayaa waxa uu dhawaan Nicholas Kay ku eedeeyay inuusan dhex dhexaad ka aheyn Siyaasada dalka, islamarkaana sokeeye iyo xigaal u noqday garabka Ra’isulwasaare C/weli Sheekh oo qeyb ka ah Khilaafka adag.

Dhanka kale, Xassan waxa uu Nicholas Kay ku xisaabiyay inuu kamid yahay Qaswadayaasha Ololinaaya Siyaasada dalka, inkastoo uusan Cadeyn waxyaabaha uu sida gaarka ah ugu sameeyay faragalinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News