Muqdisho(Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah xildhibaanada taageersan madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday sir xasaasi ah oo ku saabsan fowdada uu Nicholas Kay ka dhex wado Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in Nicholas Kay uu taageerayo xildhibaanada la safan ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ee mar walba fowdada iyo buuqa ka dhex wada golaha shacabka.
Wuxuu sheegay in xildhibaanada ra’iisul wasaaraha uu dabada ka riixayo Nicholas kay ayna ku xad gudbayaan dastuurka dalka u yaala , sida uu hadalka u dhigay.
“Arintaan Ajnabi ayaa wada, Nicholas Kay wuxuu dabada ka riixayaa xildhibaanada qaska ka wada golaha shacabka, waxaan sheegayaa ajnabi ayaa arinta dhan ka socon la’ yihiin, mana ka aqbaleyno inay faragelin sameeyaan” sidaasi ayuu yiri xildhibaan Xoosh.
Xildhibaanka ayaa ku taliyay ugu dambeyn in beesha caalamka ay isaga baxaan faragelinta ay ku hayaan baarlamaanka Soomaaliya, si xal buuxa looga gaaro khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

