Xasan Sheikh oo magacaabay safiirada cusub ee Soomaaliya ee dalalka Mareykanka iyo Turkey-ga

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Aqalka dalka looga arimiya ee Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u magacaabay Safiirada DF Somalia u kala fadhin doona dalalka Mareykanka iyo Turkiga.

Ilo xogagaal ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona dalka Mareykanka loo magacaabay Axmed Ciise Cawad oo isagu booskaasi kala wareegi doono Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid. Axmed Ciise ayaa kasoo jeeda deegaanada Puntland

Axmed Ciise Cawad, ayaa in badan la soo shaqeeyay Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray iyo tan iminka ka arrimisa dalka oo uu horboodaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu magacaabay Safiirka Somalia u fadhin doona dalka Turkiga Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo hore u soo noqday Agaasimihii Hey’ad Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, waxa uuna booska safiirnimo kala wareegayaa Maxamed C/raxmaan Mursal.

Madaxweyne Xassa ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale uu magacaabi doono Safiiro kale inkastoo aan iminka la shaacin Safiirada uu isbedelkaasi saameyn doono.

Isbedelkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalin ka hor ay Caasimada Online daabacday in Madaxweyne Xassan uu Dalka Turkiga u magacaabi doono C/llahi Sambaloolshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com