Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ay xiligaani ka qaldan tahay Siyaasada.
Xildhibaan C/llahi Aadan Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu xarun waliba oo ku taala Magaalada Muqdisho uu dhex dajiyay Saraakiil iyo Shaqaale ay Dowlada Ethiopia usoo dirsatay inay uga dhex shaqeeyan Somalia, waxa uuna intaa ku daray in xiligaani Xassan Sheekh aysan u kala socneyn Siyaasiyiinta Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.
”Muqdisho waxaa ku dhex nool Siyaasiyiin badan oo kasoo kala jeeda Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo ay taasi jirto ayuu Xassan Sheekh Magaalada Adis ababa u raadiyay Shaqsiyaad uu xil u magacaabo maadaama Ethiopia ay qoorta ugu jirto”
Waxa uu Madaxweyne Xassan ugu baaqay inuu ka feejignaado shaqsiyaadka la shaqeeya Sirdoonka Ethiopia ee uu xilalka u magacaabay, waxa uuna Xildhibaanku ka digay in Sirta Somalia loo gudbiyo Dowlada Ethiopia.
Dhanka kale, Xildhibaan C/llahi Aadan ayaa Madaxweyne Xassan ku dhiiragaliyay in Magaalada Muqdisho iyo dadkeeda uu u aqoonsado inay yihiin Muwaadiniin oo uu iska dhaafo shaqsiyaadka uu kala imaanayo dalka Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

