Xasuuq kale oo ka dhacay dalka Ethiopia iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa ugu yaraan 34-qof ku dilay weerar ‘argagax leh’ bas ay saarnaayeen dad rakaab ah oo marayey galbeedka dalka Itoobiya, sida ay warbixin ku shaacisay Hay’ada xuquuqda bini’aadanka ee Ethiopia (EHRC).

Dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen weeraro ay ku hoobteen dad rayid ah ayey arrintana qeyb ka noqoneysa, midaasi oo ay si weyn uga qeylisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

Hay’ada xuquuqda bini’aadanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ‘tirada la qiyaasay ee dhimashada, oo hadda ah 34, ay u badan tahay inay kor uga sii kacdo”, kaasi oo uu sababay weerar habeenimadii Sabtida ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz.

Afhayeen u hadlay guddiga EHRC, oo ah hay’ad madax-bannaan oo dawladeed ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in khasaaruhu uu dhammaantood yahay dhimasho.

Bayaanka EHRC ayaa lagu sheegay in weerarka baska uu ka dhacay aaga gobolkaasi, iyada oo lagu xusay warbixinta inay jiraan falal la xiriira weerarada noocan oo kale ah oo ka dhacay seddex aag oo kale, oo aysan carabaabin hay’addu.

“Xawaaraha aan kala joogsiga laheyn ee weerarrada lagu hayo dadka rayidka ah ee Benishangul-Gumuz, wuxuu guddigu ku baaqayaa feejignaan sare iyo tallaabo isku dubaridan oo udhaxeysa ciidamada amniga gobolka iyo federaalka,” ayuu yiri madaxa guddiga EHRC, Daniel Bekele.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta amniga iyo garsoorka inay wada shaqeeyaan, isla markaana la tashiyo la sameeyan bulshada maxalliga ah, taasi oo dib loogu habeynayo istiraatiijiyad amni ee heer gobol ah, midaasi oo ugu dambeyntana joojin karta weeraradaasi.”

Gobolka uu weerarku ka dhacay ee Benishangul-Gumuz ayaa waxa uu ku yaala galbeedka dalkaasi, oo dowladda Itoobiya ay ka hirgelinaysay biyo xireenkeeda weyn ee webiga Nile, kaasi oo dhaliyay xiisad hor leh.

Xukuumada Abiy Axmed ayaa iyadu gebi ahaanba ka gaabsata rabshadaha gobolkaasi, iyada oo bilihii September iyo October ee sanadkan ay ka dhaceen gobolkaasi weeraro bahalnimo ah oo ay ka qeyliyeen hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Weerarada iyo rabshadaha lagu hoobto ee ka dhaca gobolkaasi ayey siyaasiyiinta mucaaradka Itoobiya ku tilmaameen kuwo salka ku haya arrimo la xiriir isir, iyaga oo xusay inuu jiro olole ay bartilmaameedsanayaan maleeshiyada Gumuz oo ka dhan ah qowmiyadaha Amxaarada iyo Agew ee ku nool Metekel ee gobolkaasi.

Ma jiro ilaa hadda wax xaqiiqo ah oo la ogyahay oo ka dhexeeya rabshadaha ka socda gobolka Benishangul-Gumuz iyo howl-gallada millateri ee xukuumada Abiy Axmed ka wado waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, kuwaasi oo ay ku dhinteen boqolaal ruux, halka ay ku barakaceen 20,000 oo qof.