Hoggaanka Al-Shabaab oo ka jawaabay hadalkii Abiy

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey war ka soo baxay dowladda federaalka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, kaas oo ahaa in xubno Shabaab ah lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa werisay in afhayeen u hadlay kooxda uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka dowladda Itoobiya.

“Hadalka Itoobiya ee ah in ay qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaasadaysan oo uu taliska Abiy Axmad ku doonayo inuu indhaha caalamka uga leexiyo dhibaatada iyo colaadda ka taagan gudaha Itoobiya,” waxaa sidaas yiri Cabdicasiis Abu Muscab oo u hadlay Al-Shabaab.

Sabtigii war ka soo baxay Dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in rag ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay Addis Ababa, xilli ay qorshaynayeen inay fuliyaan weerarro ka dhaca gudaha Itoobiya.

“Ma jiro rag ka tirsan Al-Shabaab oo ay Itoobiyaanku qabteen, anaguna qayb kama nihin colaada ka dhex aloosan qawmiyadaha xabashida ah ee Itoobiya,” ayuu hadalkiisa kusii daray Afhayeenkan u hadlay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay sawirrada iyo magacyada rag ay sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

War ka soo baxay hay’adda sirdoonka dalkaasi ee magaceeda loo soo gaabiyo JDFI ayaa waxaa lagu sheegay in raggaasi oo gaaraya 12-qof lagu soo qabtay howl-gal qorsheysan.

Hay’adda ayaa sidoo kale shaacisay in ciidamada amniga ay muddo ku raad joogeen xubnahan oo lagu eedeeyey inay wadeen abaabulka inay fuliyaan weeraro culus.

Magacyada ragga la soo qabtay ayaa waxaa lagu kala sheegay 1-Fu’ad Shaafi Khadiir, 2-iimaan Asafa(Faaruuq Ismaaciil), 3-abdijabar Abdalla Ibraahim, 4-Siciid Mustafa Ibraahim, 5-Mascuud Gabayaahu, 6- Tafare Tashome(Idiris), 7-Abdirahman Adan Abubakar, 8- Mukhtaar Gaab, 9- Jaamac Diiriye Abdi, 10- Sh Ahmed Nuur Maxamed Osmaan, 11-Abdul Abdi Jamal iyo 12- Cumar Ridwaan Muhaadi.