Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay weeraro caloolxumo iyo murugooyin badan abuuray, waxaadse moodaa in weerarba weerarka kale uu ka xanuun iyo murugo badan yahay.
Dad badan oo ka warhelay qasaaraha murugada badan ee uu geystay weerarkii Xeebta Liido ayaa soo xasuustay weerarkii ugu murugada badnaa Soomaaliya ee Hargaha iyo Saamaha iyo weerarkii ka dhacay Hotel Shamow oo dad badan uut ku taalo ku noqday.
Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ayaa noqday mid qof kasta oo Muqdisho ama meel kaxsan ku sugan uu kasheekeeyo sabab la xiriirta qaabka weerarka u dhacay oo ah qaab ka duwan sida weerarada Muqdisho u dhici jireen iyo dad badan oo lagu xasuusto.
Waxaa lagu xasuusan doonaa weerarka seddex ruux oo walaalo ah oo gabar kamid ah ay aheyd xaamilo ama laheyd uur 7 bilood ah, wiil yar oo aabihii hortiisa lagu dilay, wiil yar oo hooyadii la dilay markii ciidamada ay isaga badbaadiyeena ku dhahay ciidanka {Hooyadeey iisoo kiciya), wiil maalin ka hor qalinjibayay habeenkii kalana Liido ku dhintay, ugu yaraan 13 ruux oo meel ay isku qariyeen si bareer ah loogu dilay iyo dhacdooyin kale oo murugo leh.
Sidoo kale waxaa lagu xasuusan doonaa weerarka labo wiil oo isla dhalatay oo aabahood lagu dilay Liido, iyo dad si bareer ah loo toogtay iyaga oo aan waxba kala socon dhacdada.
Wuxuu noqday weerar uur ku taalo ku noqday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho ee caasimada Sooaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]