Dagaal ka dhex qarxay Khaatumo & Somaliland

Buuhoodle (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo Khaatumo oo ku dagaalamay duleedka magaalada Balicad oo ka tirsan gobolka Sool, sida saraakiisha labada dhinac ay sheegeen.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada maamulka Khaatuma weerar ku qaadeen deegaanka Balicad meel duleedka ka ah oo ciidamada maamulka Somaliland ay fariisin ku lahaayeen, waxaana ka dhashay qasaaro labada dhinac soo gaaray.

Wasiiro u hadlay maamulka Khaatumo ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo isna ka dhacay duleedka Kalabeyr kaasi oo muddo saacado ah socday, waxayna sheegeen ineu ku dileen xubno ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland oo deegaanka Fariisin ku lahaa.

Keyse Cabdi Yuusuf oo ah wasiirka arimaha gudaha maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay doonayeen in ciidamada Somaliland kaga saaraan deegaano labadii maalin ee ugu dambeysay ay ku sugnaayeen.

Labo kamid ah ciidamada maamulka Khaatumo ayuu sheegay iney ku dhaawacmeen dagaalka dhanka Somaliland ayuu sheegay iney qasaaro gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland dhankeeda saraakiil ciidan oo u hadashay waxay sheegeen iney ciidamo ka dileen Khaatumo ayna wali ku sugan yihiin deegaanadii lagu dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Sool
Caasimada@live.com