Beelaha Xawaadle oo isaga baxay shirka Jowhar kuna laabtay magaalada Beledweyne (Warbixin)

Beledweyne (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa isaga laabtay magaalada Jowhar iyaga oo tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka caroodeen shirka ka socdo magaalada Jowhar.

Odayaasha dhaqanka Hiiraan oo ka carooday shirka Jowhar ayaa soo dhaweyn maanta loogu sameeyay magaalada Beledweyne, waxayna shaaciyeen in markii hore ay ku qaldameen ka qeyb galka shirka ka socdo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka ku laabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay ineysan la dhicin qaabka loo qeybiyay ergada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayna kasoo horjeedaan xubnaha si gaar ahaaneed loo siiyay Beesha Xawaadle oo gaaraya ku dhawaad 13 ergo.

Waxay sidoo kale sheegay in talada maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo gacan geliyay dad aan aqoon buuxda u laheyn deegaanada labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxayna sheegeen ineysan ku qanacsaneyn hubnaha soo gaaray.

Dhawaan beesha Gaaljecel ayaa dhawaan isaga baxday shirka ka socdo magaalada Jowhar, waxaana ku xigay beelo kale oo saluug weyn ka muujiyay habka ergada loo qeybiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com