Document gaar ah: DF oo amartay in lasoo xiro wasiir xatooyo culus ku kacay oo ka baxsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii lagu bilaabay suuq geyn barta internetka ee JFS ee loo yaqaan DOT.SO ayaa waxaa hadda ka soo wareegtay muddo shan sano ah.

Heshiiskan lagu wareejiyay DOT.SO ayaa waxaa wada saxiixday dowladdii kumeel gaarka ahayd ee madaxweynaha ka Shariif Sheekh Axmed iyo shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo GMO taasoo ka howl gasha dalka Japan.

Heshiiskan ayaa waxaa ku qornaa in daqliga faa’iido ee soo gala loo kala qeybsado in 70% ay u soo xerooto dowladda Soomaaliya 30% ay faa’iido u qaataan shirkadda.

Sida ku cad barta GMO ee laga maamulo furaha internetka Soomaaliya ayaa waxaa illaa hadda la iibiyay domain tiradiisa ay kor u dhaaftay nus malyuun, iyadoo sanadkii ugu danbeeyay laga dhigay lahaanshaha domainka DOT.SO boqol dollar ($100) intii ka horreysayna uu ahaa $24 Dollar. Celcelis ahaan daqliga ka soo xerooday ayaa kor u dhaafayaya $45 Malyuun oo dollar. Lacagtaas oo aan illaa hadda la ogeyn meel ay ka baxday iyadoo lacagtani ay ku dhacdo shirkad uu leeyahay wasiirkii hore Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Ibrahim oo markii horena ka ahaa dallaal keenida shirkadda Japan laga leeyayah ee GMO. Halkan ka akhriso heshiiska GMO

maxamedibrahimWasiirka Boostada JFS Guuleed Qaasim ayaa waraaq u qoray xeer ilaaliyaha qaranka, taasoo uu ku codsanayo in la soo xiro wasiirkii hore Maxamed Ibraahim, isagoo markaa ku eedeeyay in uu la baxsaday hanti qaran, iyo sir badan oo ku jirtay domainka ay dowladda federaalka leedahay oo loo yaqaan DOT.GOV.SO.

Caasimada Online oo la xiriirtay mid ka mid ah agaasimaayshii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in Maxamed Ibraahim uu diido soo wareejinta domainka Soomaaliya iyo lacagaha ka soo xerooda, waxaa uu sheegay in Maxamed Ibraahim uu xiriir toos ah la leeyahay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana lacagaha ka soo xerooda si toos ah uu bil walbo ugu shubo qasnad ama account uu leeyahay nin way walaalo yihiin madaxweynaha JFS oo lagu magacaabo Cali Sheekh Maxamuud, koontadaas ayaa ka furan dalka Imaaraadka Carabta.

Mid kale oo ka mid ahaa howl wadeenadii wasaaaradda boostada oo isna u warramay Caasimadda Online ayaa noo sheegay in wasiirka cusub uu rabo in isaga uu toos u maamulo domainka JFS ee DOT.SO, isagoo ku guul darreystay heshiis uu la soo galay bishii Maarso ee sanadkii 2015 shirkad laga leeyahay dalka IIRAAN oo lagu magacaabo Neda Rayaneh oo rabay inuu ku bedelo shirkadda Japan ee GMO.

Wasiir Guuleed ayaa arrintan u sameeyay in uu kaga careeysiiyo ama kaga cabsiiyo madaxweynaha JFS oo marar badan uga digay in uu ka fogaado arrimaha Domainka DOT.SO.

Waa sharaf dhac iyo meel ka dhac in masuuliyiintii lagu aaminay dalka ay sidaan u dhaqmaan, hantidii qarankana laysku qabsado anaa leh iyo maya anaa kaa leh.

Halka hoose ka akhriso waraaqda lagu amray soo xiridda wasiir Maxamed Ibraahim

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/01230211006WasiirlabaxsadeyHantiQaran.pdf” width=”1180″ height=”1600″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com