Xeelad ay XASAN SHEEKH iyo xildhibaanno kale soo dejiyeen oo lagu baajiyey mooshinkii Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadhigii Golaha Baarlamaanka ee shalay oo lagu waday in cod loogu qaado Mooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubba ayaa waxaa hareeyay jaha wareer ku saabsan xaaladda ammaanka ee xarunta baarlamaanka, oo la sheegay inay ahayd farsamo lasoo degay.

Ilaalada Baarlamaanka ayaa waxa ay la soo shir tageen inay hareeraha xarunta baarlamaanka ay ka jirto amaandarro oo laga cabsi qabo in qaraxyo ay yaallaan sidaas darteedna aanu shirka qabsoomi karin.

Xildhibaanno tegay xarunta ayaa markii oo arrintaasi lagu wargeliyay ayaa ku adkeystay inay xarunta galaan iyadoo ka biyo diiday xaalada ammaan darro ee la sheegay oo ay ku tilmaameen qorshe lagu doonayo in lagu baajiyo cod u qaadista mooshinkan.

Xildhibaanno badan ayaa waxa iska xaadiriyeen xarunta Baarlamaanka, balse waxaan xarunta soo xaadirin guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaano cabsaday taasi oo keentay in shirka uu fashilmo oo uu qabsoomi waayo kooram la’aan darteed.

Qorshaha amni darro, ayaa xildhibaano la hadlay Caasimada Online waxay sheegeen inay soo abaabuleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo xildhibaanno raacsan Axmed Madoobe, si kullanka loogu fashiliyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku dayaya inuu baajiyo mooshinka, kadib markii maamulka Axmed Madoobe uu ku hanjabay inuu xiriirka u jarayo dowladda haddii aan laga noqon mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com