Xildhibaanno iyo wasiiro ka soo jeeda BEELAHA Sh/Dhexe oo wada qorshe cusub oo muhiim ah

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan heleyno waxaa socdo qorshe magaalada Jowhar la doonayo in looga furo shir dib u hishiisin ah kaasi oo loo qabanayo beelaha daga Shabeelaha Dhexe.

Qorshahaasi waxaa wado xildhibaano iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan, waxaana loo qabanayaa dhamaan beelaha daga Shabeelaha Dhexe, shirkaasina waa mid hordhac u ah shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xogta Caasimada Online ay heleyso waxay sheegeysaa in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka qorshahaasi wadaan, waxaana la doonayaa in shirka uu socdo muddo 15 maalin oo kaliya ah.

Shirkaasi oo kale ayaa ka socda magaalada Beledweyne, waxaana ay labadaba qeyb ka yihiin dhismaha maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wafuud hordhac ah ayaa hadda ku sugan magaalada Jowhar, iyadoo ay baaqdeen safar xildhibaanada qaar ku tagi lahaayeen magaalada Jowhar.

Qaar kamid ah xubnaha wado qorshahaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in dhawaan shirka dib u hishiisiinta beelaha daga Shabeelaha Dhexe uu ka furmi doono magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com