XASAN Sheekh oo siyaasad cusub ku kala dilaya xildhibaannada mooshinka ka keenay Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo dhanka Xarunta Madatooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu kulaamo gaar gaar ah la qaadanaayo qaar kamid ah Xildhibaanada BF Somalia ee daadihinaaya Mooshinkaa ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibanadaasi uu ku qaabilay Xafiiskiisa, isagoona si qoto dheer kala hadla Mooshinka socda iyo xal ka gaaristiisa, waxa uuna ka codsadaay in Xildhibaanada ay hakiyaan Mooshinkaasi.

Waxa uu macluumaad ka siiyay damaca DF Somalia ee ku aadan Maamul Goboleedyada dalka waxa uuna u sharaxay dhibaatada laga dhexli karo faragalinta Maaulada dalka bacdamaa ay fooda nagu soo heyso Doorashada dalka.

Waxa uu ka codsaday inay carqaladeynta ka joojiyaan BaarlamaankaJubba maadaama dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, hayeeshee codsiyadaasi ay ku gacanseeren.

Geesta kale, Xildhibaanada oo tiro ahaan gaareysay ilaa Todobo, ayaa qaadacay Codsiyadaasi waxa ayna Madaxweynaha ku wargaliyeen inuu qeyb ka yahay dhibaatada ka taagan Baarlamaankaasi.

Kulanka oo muddo qaatay ayaa waxa aan kasoo bixin wax natiijo ah waxa ayna Xildhibaanadu Xassan Sheekh ka dalbadeen inuu qudhiisu faraha kala baxo Mooshinka socda ama uu go’aan kala diris ah ka gaaro.

Mooshinka ayaa u muuqanaayo mid hirgali doona, inkastoo weli ay socdaan dadaalo lagu doonaayo in lagu hakiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com