Xeelada doorashada 2021 oo aad uga duwan kuwii hore

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sanadkan u dhaco si ka duwan sidii hore, ayada oo ay muuqato inuu isbeddel ku yimid habkii lacagaha loogu bixin jiray coadka xildhibaanada dooranaya madaxweynaha cusub.

Doorashooyinkii tan ka horreeyeey, oo ay ugu dambeysay tii lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lacag tobanaan kun oo dollar ah lagu iibsanayey codka xildhibaankiiba.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu min 25 kun oo dollar ku gatay codadka 70-kii xildhibaan, ee uu kaga soo gudbay wareeggii kowoaad ee doorashadii 2017, kahor inta aanu si bilaash ah ku helin codadka xildhibaanadii diidanaa Xasan Sheekh, ee ka dhigay madaxweynaha.

Si kastaba, inkasta oo weli la rumeysan yahay inaanay huri doonin in la iibsado codadka xildhibaanada, haddana musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan adeegsanaya xeelad ka duwan tii aan baranay sanadihii hore.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Musharaxiinta madaxweynaha ayaa ka shaqeynaya inay xaqiijiyaan in marka horeba ay xildhibaano noqdaan siyaasiyiin ku aragti iyo xeendaab ah, si aysan gadaal dambe lacag ugu bixin iibsashada xildhibaan aan la isku haleyn karin.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa laba qodob oo kala ah:

1 – Aaminaad la’aanta xildhibaanada: Doorashooyinkii hore, oo ay ugu dambeysay tii 2017, waxaa dhacday in xildhibaano badan aysan codadkooda siin musharaxiin ay lacago ka qaateen, oo ay isku haleynayeen, kuwaas oo ku ballan-furay.

Xaqiiqda ah; in codka uu yahay mid sir ah, oo aan marnaba la ogaan karin musharaxa uu xildhibaanka u codeynayo, ayaa fududeyneysa in xildhibaanku uu musharax ama dhowr musharax lacag ka qaato, kadibna codka siiyo midka uu aragti ahaan ama qabiil ahaan taageersan yahay.

Arrintan ayaa ku dhacday musharaxiin uu ka mid ah yahay Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la rumneysan yahay isku haleynayey codadka xildhibaano ku dhow laba boqol, balse kusoo dhammaaday dhowr iyo sideetan.

2 – Lacag la’aan xooggan oo haysata musharaxiinta: Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan ayaa badankood wajahaya lacag la’aan xooggan, ayada oo badankood ay ku sugan yihiin xaalad quus ah, oo iska daa inay codad iibsadaan’e, xitaa la xarbinaya inay iska bixiyaan biilasha iyo qarashaadka maalinlaha ah ee xooggan ee ku baxa.

Lacag la’aanta ayaa waxaa ugu wacan ayada oo inta badan dalalkii lacagaha siin jiray musharaxiinta, oo ay ugu weyn yihiin kuwa Carabta ay sanadkan albaabada ka xirteen musharaxiinta, oo ilaa iyo hadda ay diidan yihiin inay lacag bixiyaan.

Dalalka Carabta ayaa sababta ay albaabka u xirteen lagu sheegay laba qodob oo kala ah; inay weli shaki ka qabaan in dalka doorasho ka dhici karto, iyo in doorashooyinkii hore ay lacago ka qaateen musharaxiin aysan dhab ka aheyn inay xilka madaxweynaha dagaal u galaan.

Inkasta oo laga yaabo in lacagaha ay xilli dambe soo fasaxaan, haddana waxay albaab xirashadoodu qasabtay in musharaxiinta ay cayaaraan xeelado kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan xoogga saaraya inay xaqiijiyaan inay soo baxaan xildhibaano taageersan, oo la isku haleyn karo, si ay uga baaqsadaan inay gadaal dambe lacaga ka bixiyaan iyo in lagu ballan-furo.

Xeeladdan ayaa shaqeyn karta, sababtoo ah, xildhibaanada hadda kuraasta ku fadhiya badankood uma baahnaa inay lacago bixiyaan, ayaga oo adeegsanayaa saameynta ay ku leeyihiin madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Madaxweyne Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ugu dhaqaalaha roon, maadaama uu lacagtii dowladda iyo qaranka gacanta ku haysto, ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu soo saarto xildhibaano u badan kuwa cusub, xilli la rumeysan yahay in xildhibaanada hadda kursiga ku fadhiya badankood aysan taageersaneyn.

Farmaajo ayaa qorshihiisu yahay inuu soo saarto in ka badan boqol xildhibaan oo u badan kuwa kasoo galaya Somaliland, beesha shanaad, beesha uu kasoo jeedo, iyo xildhibaanada laga soo dooranayo Koonfur Galbeed.

Soo bixitaanka xildhibaano badan oo cusub, ayaa rajo siineysa Farmaajo, halka soo laabashada xildhibaanada hadda jira badankood ay sii wiiqeyso rajadiisa, islamarkaana xoojineyso suurta-galnimada ah in madaxweyne cusub yimaado.

Wax ay ahaataba, xilli la rumeysnaa in codadka xildhibaanada doorashada soo socota uu midkiiba gaari karo boqol kun oo dollar, waxaa hadda muuqata suurta-galnimo ah in doorashadan ay codadka xildhibaanadu noqdaan kuwii ugu qiimaha jabnaa.Â