26 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xeeladdii Kismaayo: Sidee Safarkii Xasan dhabbaha ugu xaaray Jubaland cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u safray magaalada Kismaayo ee Jubaland Axaddii, dad badan ayaa u arkayay tallaabo khatar leh oo u muuqata mid awood siineysa ninka ay gobolka ku loollamayaan — Axmed Maxamed Islaam “Madoobe.”

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalladii halkaas ka dhacay ma aysan dhalin natiijo muuqata, waxaana madaxweynuhu subaxnimadii Isniinta ku soo laabtay Muqdisho.

Haddase, ilo wareedyo ayaa sheegaya in safarkaasi uu qayb ka ahaa qorshe ballaaran — tijaabo lagu ogaanayay sida uu Madoobe ugu diyaarsan yahay iskaashi dhab ah, iyo in safarku uu gogol-xaar u ahaa tallaabo siyaasadeed oo dowladda dhexe ay damacsan tahay.

“Soo booqashadii Kismaayo ma ahayn dib-u-gurasho, ee waxay ahayd imtixaan — hab lagu cabbirayay heerka madax-adaygga Axmed Madoobe, iyadoo magac wadahadal lagu daboolay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka qaybgalay kulamadii albaabadu u xirnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo wadahadalka si dhab ah fursad u siiyay, ayaa muujiyay sida ay dowladda federaalku ugu diyaar tahay inay nabad raadiso ka hor inta aysan qaadin tallaabo adag.

Tallaabadaas hore—wadahadal marka hore, ficil kaddib—waxay siineysaa Muqdisho sharciyad anshax iyo mid siyaasadeed ah si ay u qaaddo go’aankeeda xiga, iyadoo meesha ka saaraysa eedeymaha sheegaya in dowladda ay ku degdegayso falcelin.

Diblomaasiyad ilaa ficil

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulammo isdaba-joog ah oo Isniintii ka dhacay Villa Somalia ay muujinayeen isbeddel weyn oo ku yimid habkii loo wajahayay arrinta Jubaland.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu wasiirradiisa u sheegay in “arrinta Jubaland ay si buuxda gacanta ugu jirto dowladda federaalka,” taas oo calaamad u ah dhammaadka wadahadalladii furan iyo bilowga ficilka.

Jihada cusub, oo si aan rasmi ahayn loogu yeeray Qorshaha B, ayaa diiradda saaraysa Garbahaarey — magaalo ay muddo dheer isku hayeen Kismaayo iyo Muqdisho.

Inkastoo aan weli la shaacin war rasmi ah, saraakiil ayaa xaqiijiyay in wadatashiyo ay socdeen galabnimadii Isniinta ilaa habeenkii, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare XamzaCabdi Barre iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Gedo.

“Markii uu madaxweynuhu Kismaayo tagay, wuxuu muujiyay in dib-u-heshiisiin ay suurtagal tahay, balse in diidmada ay la imaan doonto cawaaqib,” ayuu yiri Axmed Cabdi, falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho.

Marka sidaas loo eego, safarkaasi ma ahayn fashil, balse wuxuu ahaa marxalad kala-guur ah — diblomaasiyad marka hore, ficilna marka xigta.

Burburka wadahadallada ayaa bixiyay sabab muuqata oo ay dadka xog-ogaalka ahi ku qeexeen “sixitaan federaal ah oo lama huraan noqday,” halkii ay ka ahaan lahayd tallaabo ku dhalatay falcelin.

Astaanta safarka

Booqashada Madaxweynaha ee Kismaayo ayaa lahayd fariin weyn. Magaalada waxaa muddo dheer loo arkayay xarun awood leh oo si madax-bannaan u dhaqanta, meel ka baxsan saameynta Villa Somalia.

Go’aanka Xasan Sheekh ee ahaa inuu halkaas tago, la kulmo Madoobe, kaddibna si nabad ah uga soo laabto, wuxuu diray fariin cad: in aanay jirin meel Soomaaliya ka mid ah oo madaxweynuhu uusan tegi karin.

“Kaliya inuu cag dhigo Kismaayo ayaa xusuusiyay qof walba in awoodda dowladda dhexe ay gaarsiisan tahay dhammaan khariidadda dalka — xitaa meelaha lagu muransan yahay,” ayuu yiri falanqeeye ku takhasusay arrimaha federaalka.

Booqashadaasi halkii ay sharciyeyn lahayd maqaamka Axmed Madoobe, waxay dib u adkaysay awoodda qaranka ee gobol marar badan tijaabiyay. Waxay muujisay in madaxweynuhu uu si kalsooni leh uga qaybgali karo kulan dhul xasaasi ah isagoon wax tanaasul ah samayn — sawir muhiim u ah hoggaamiye ku dhex jira nidaam federaal jilicsan.

Aragti federaal oo ballaaran

Saraakiil iyo falanqeeyayaal ayaa safarka Kismaayo u arka inuu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu dib-u-habaynayo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Ma ahayn dhacdo gooni ah, balse waa qayb ka mid ah qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha ee lagu xoojinayo awoodda dowladda dhexe, dib-u-habeynta dastuurka, iyo nidaam daadejin awood ah oo mideeya.

Farriinta ka imaanaysa Villa Somalia, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, waa mid cad: wadahadal weli waa suurtagal — balse waa inuu ku ekaado xuduudaha uu dhigayo dastuurka.

Sida uu sheegay xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada, “Ujeeddadu ma ahan in Jubaland la ciqaabo, ee waa in la dhowro sharafta iyo midnimada federaalka.”

Haddii la hirgeliyo, Qorshaha B wuxuu noqon karaa isbeddel taariikhi ah — mid dib u adkaynaya kormeerka dowladda dhexe, isla markaana ilaalinaya wejiga dib-u-heshiisiinta.

Wuxuu noqon doonaa qaab cusub oo lagu xalliyo khilaafaadka mustaqbalka ee gobollada kale: diblomaasiyad marka hore, ficil go’aan leh marka dambe.

Ilaa fiidkii xalay, dowladda kama aysan soo saarin war rasmi ah, balse ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in durba la bilaabay diyaar-garowga “hannaanka ku-meel-gaarka ah” ee Garbahaarey.

Wixii ku billowday booqasho dib-u-heshiisiin loo arkayay, ayaa hadda isu beddelay xeelad istaraatiiji ah oo xoojisay mowqifka Villa Soomaaliya.

Markii uu madaxweynuhu sabirka ka hormariyay awoodda, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu daqiiqad u muuqatay daciifnimo u rogay mid maamul sugan — taasoo laga yaabo inay dib u habayso miisaanka awoodda ee koonfurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News