Xeer ilaalinta Puntland oo ka laabatay dacwadii DAAD

Garoowe (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaalinta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay inuu dib uga laabatay dacwaddii ka dhanka aheyd, xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta, loona diray guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in xeer ilaalintu ay ka laabatay dawaddii lagu soo oogay xildhibaankaasi oo dhowaan su’aal adag weydiiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray kiiskan, kadib wadahadallo dhexmaray xukuumada iyo golaha wakiilada, kuwaas oo lagu dhameeyey arrintaasi.

“Mudane guddoomiye xafiiskani wuxuu ka noqday codsigii xasaanad ka qaadista, xildhibaan Cawil Xasan Daad, maadaama uu heshiis dhex maray golaha xukuumadda iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo xaliyey kiiskii taagnaa.”ayaa lagu yiri warqada.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii in ka badan labaatan xildhibaan ay Madaxweyne Deni oo ku sugan Qardho ay ka raalligeliyeen kiiskii dhowaan ka dhacay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee golaha wakiilada, kadib su’aashii xildhibaan Cawil Daad.

Halkan hoose ka Aqriso: