Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay sida loo maareynaayo Canshuuraha kasoo xarooda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in ahmiyad gaara ay Canshuurta u leedahay dowlada federaalka waxa uuna cadeeyay in Canshuurta ay ku dhacdo akoonada shaqsiyaad gaara oo ka tirsan Garoonka Aadan Cadde.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ayaan daro ay tahay in Hanti Qaran ay ku dhacdo jeebka shaqsiyaad gaara waxa uuna DFS uga digay inay xakameyn weydo Canshuuraha kasoo xarooda Garoonka.
Mar uu Xeer ilaaliyaha ka hadlaayay qaadista Canshuuraha iyo sida loo maareenayo, ayaa waxa uu tilmaamay in isaga uu arkay in lacagahaasi lagu shubo goobaha loogu tallo galay ee dowlada.
”Lacagah Canshuurta waxaa loogu tallo galay inay ku dhacdo Bangiga waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaad gaara ay lacagtaasi ugu dhacdo akoonadooda iyadoo ay jiraan qeybo khuseeya Canshuurta oo ay dowlada u sameysay”
Xeer ilaaliyaha waxa uu Wasaarada Maaliyada u jeediyay in ay wax ka qabato nidaamka lacagaha kaashaka ah ee casnshuur ahaan usoo xarooda iyo dadka si toos ah lacagtaa ay u gaareyso.
Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad Maanta ka dhacay xarunta wasaarada Maaliyada oo uu ka qeyb galay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Axmed Guuleed Qadar.
Geesta kale, waxa uu Xeer ilaaliyaha ku baaqay in DFS ay ku nacfiso lacagaha Canshuurta ah, halkii ay ku nacfin lahaayen shaqsiyaad la aaminay hadana aan garan aaminaada lasiiyay.