Xilalkii ay maanta magacowday DF oo muujiyey dagaalka lagu hayo beesha Habar-gidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kaashanaya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa xilkii ka qaaday dhammaan Shaqaalihii Xafiiska Wasaardda Maaliyadda ee Dakadda Muqdisho iyadoo halkaas loo magacaabay kuwa cusub.

Waxaa magacaabistaas mar kale kasoo if baxday dagaalka uu Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku hayo Beesha Habargidir, maadaama dadkii xilka laga qaaday ay ku jiraan shaqsiyaad kasoo jeedo Beehsaas, isla markaasna si rasmi ah Beesha looga reebay dadka cusub ee xilalka loo magacaabay.

Xubnaha la magacaabay, xilalkooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan ayaa kala ah:-

Magaca                       Shaqada                      Beesha 

Axmed Cabdullahi Samow              Maamule                       Gaaljecel
Maxamuud Axmed Xasan               Maamule ku xigeen 1-aad         Abgaal
Nadar Tabah Maalin                       Maamule ku xigeen 2-aad         Xawaadle
Maxamuud Maxamed Guure           Madaxa Qeybta qiimeynta         Murusade
Maxamed Cabdirisaaq Xuseen        Madaxa qeybta manafeeska       Xawaadle
Saciid Cabdullaahi Ducaale             Madaxa qeybta Gadiidka           Warsangeli (Daarood)
Salaad Maxamed Cabdi Madaxa      madaxa qeybta Dhoofinta          Murusade
Axmed Maxamed Ibraahim            Madaxa qeybta shaqaalaha        Raxan weyne
Xasan Dhicisow Madoobe               Madaxa qeybta Khasnada         Abgaal
Muuse Rooble Faarax                    Madaxa qeybta Hubinta             Murusade
Saalax Cumar Cabdullaahi             Madaxa qeybta xisaabaadka      Reer Ow Xasan
Cumar Maxamed Barre Madaxa     Madaxa Qeybta IT                    Abgaal

Liiska kore waxaa ka muuqda shaqsiyaad kasoo jeeda beelo aan deegaan iyo shaqo ku lahayn Muqdisho sida Reer Aw-Xasan, Warsangeli Daarood iyo kuwa kale, sidaas oo ay tahayna beesha Habar-Gidir wax xil ah lagama siin, ayada oo laga qaaday kuwii ay haysataya.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay dabada ka riixayaan shaqsiyaad ka tirsan Beeshiisa ayaa dagaal culus ku hayo Beesha Habargidir, ilaa haddana la ogo sababta rasmiga ah ee keentay inay dagaal noocaan oo kale ah la galaan beel ay walaalo yihiin.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiiradiisa ayaa xil ka qaadis ku sameeyey shaqsiyaad badan oo kasoo jeedo Beesha Habargidir oo ay ugu horeeyeen Agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta Bahlaawi iyo Hanto dhowrihii qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

In la isku badalo xilalka maahan mid dhibaato ah balse dagaalka ay Ra’isul wasaaraha iyo xirtiisa kula jiraan Habargidir ayaa ah mid toos ah oo dowladda dhan laga tirtirayo in lagu arko shaqsiyaad Habargidir kasoo jeedo oo xil hayo.

Tallaabooyinka ay qaadeen Ra’isul wasaaraha iyo kooxdiisa ayaa noqon doono mid ay ka dhalato cawaaqib xumo, islamarkaana mucaarad xooggan usoo jiida dowladda iyo madaxweyne Farmaajo.

Waxaa hadda socdo ololo ay wadaan Xildhibaanada Labada aqal iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beeshaan, waxaana dhawanahaan lasoo saari doonaa go’aano ku aadan Xasan Cali Kheyre iyo dowladda Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ilaa hadda si rasmi ah iyo si hoose intaba uga hadlin dagaalkaan lagu hayo Beesha Habargidir, waxaana dhowr jeer kulamo la qaatay xildhibaanada Habargidir oo markii dambe ka dhawaajiyey inuusan madaxweynaha diyaar u aheyn inuu wax ka qabato dhibaatada taagan.

W/D: Mascuud Yuusuf 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET