25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xeer-ilaaliyihii qaranka ee hore Axmed Cali Daahir oo shaaciyey arrin qarsaneyd

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyihii hore ee qaranka, Dr Axmed Cali Daahir oo wareysi siiyey Universal TV ayaa ka hadlay arrimo ku aadan garsoorka.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo diidan in la dhiso golaha adeega garsoorka dalka, si ay u sameeyaan Maxkamadda Dastuuriga oo  go’aan kama dambeys ah ka gaari karto khilaafka kasta oo yimaada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la siyaasadeeyey dhamaan waxyaabaha muhiimka u ahaa dhismaha golaha adeega garsoorka, sida hay’adihii ka mid noqon lahaa, Qareenada laga soo xuli lahaa iyo bulshada rayidka, sida uu hadalka u dhigay.

Xeer ilaaliyaha qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xilligan la joogo dalka uu u baahan yahay hirgelinta gole adeeg garsoor oo madax banaan.

Waxa kale oo ku baaqay in si deg-deg ah loo dhiso golaha adeega garsoorka, si buu yiri looga gudbo caqabadaha dalka ka jira, gaar ahaan kuwa siyaasadeed.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo marar badan lagu cel-celiyey baahida loo qabo dhisamaha golahaasi, balse ma jirto tallaab ay u qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, si loo helo maxkamad dastuuri oo lagu kala baxo.

- Advertisement -

Read more

Local News