SACIID DENI oo shaaciyey sababta Puntland ku diiday qorshaha doorasho ee DF

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa faah faahiyey sababta ay ka maamul ahaan u diidan yihiin qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan doorashada 2020/2021.

Siciid Deni ayaa shaaciyey in Puntland aysan diidaneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah,  si looga gudbo nidaamka 4.5 oo muddo wax lagu qeybsanayey.

Madaxweynaha Puntland ayaase tilmaamay inay diidan yihiin oo kaliya in la isku dhex qaldo qoorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka 4.5 ee loo baahan yahay in laga gudbo.

“Puntland mararka qaarkood waxaa la leeyahay ‘Puntland qof iyo cod ma rabto’; Puntland hadeysan rabin maanta shaqadan ma qabateen laakiin waxay diidan tahay nidaamkii laga gudbay ee qabaliga ahaa iyo doorasho qof iyo cod isku dhex-qaldeenaa, taas ma ogolin,” ayuu ku nuux-nuux saday, isagoo si cad u sheegay in Puntland ay “ka guurtay” 4.5 aysana aqbaleynna in dib loogu laabto.” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duruufaha ka jira dalka aysan waqtigaan saamixi karin in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la filayo inuu Dhuusamareeb ka furmo shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo diirada lagu saarayo arrimaha doorashada ee 2020/21.