DF oo war ka soo saartay geeridi xalay ku timid Ilyaas Maxamed oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerida Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaraddaasi, kaas oo xalay ku dhintay qarax miino oo ka dhacay wadada Makka Al- Mukarrama, gaar ahaan dhinaca isgoyska Taleex.

Ugu horreyn wasiirka cadaaladda ayaa tacsi diray ehellada marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in Ilyaas uu ahaa shaqsi Alle ku sifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaa” ayuu yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo la dhigay wadada dhinaceeda lala eegtay gaariga wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Cabdinaasir Saciid Muuse oo xilligaas gaarigiisa uu marayey halkaas, walow isag uusan la socon..

Mudooyinkii dambe Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo intooda badan lala fiirsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka shacabka ah.