Xidiga kooxda Shakhtar Donetsk Willian oo sheegay inuu jecelyahay inuu ku biiro Chelsea.

Ka dib markii uu door fure ah ka ciyaaray kulankii Chelsea ay guul darradu kasoo gaartay kooxda ka dhisan dalka Ukraine, Willian ayaa daaha ka qaaday inuu markaan ku jiheysan yahay mid ka mid ah Horyaalada ugu waa weyn Yurub.

Xidiga reer Brazil ayaa saameyn ku lahaa musiibada kula dhacday Donbass Arena kooxda difaacaneysa Horyaalka, mana uusan sireysan inuu ka tegaayo Shakhtar Donetsk, Chelsea ayaana u diyaarisay inuu xirto maaliyadeeda. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Wuxuu qandaraaskiisu dhacayaa 2014ka Chelsea iyo Tottenham ayaana si aad ah loola xiriirinayaa 24 jirkaan ka ciyaara garabka, kaasoo laba kulan u saftay wadankiisa.

Willian ayaa yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan ka tago Shakhtar, shaqadeydii halkaan aheyd waa dhameeyey. Waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro koox weyn oo ciyaarta horyaal weyn, sida Premier League ama Serie A. waan jeclahay Chelsea, AC Milan iyo Inter.

“Waxaan u baahanahay inaan isku muujiyo horyaal weyn si la ii Waco xulka qaranka. Waa riyadeyda inaan gool ka dhaliyo koobka aduunka ee lagu qabanaayo Brazil taasn waxay dhici kartaa markaa aan halkaan ka tago.

Willian ayaa sheegay inuu sidoo kale ogyahay inay Chelsea dooneysay waayadii dhoweyd wuxuuna sheegay inuu la socdo in qiimaha la isku mari waayey.

Shakhtar, ayaa 2007dii xidigaan 12 milyan oo ginni uga soo dhaqaajisay kooxda ka dhisan Brazil ee Corinthians, waxaana la ogyahay inay keliya ku dooneyso 30 milyan oo ginni ama wax ku dhow.

W/Q: Ahmed  Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.