Jubbaland waxaa ka socda kacdoon ka dhan ah Axmed Madoobe kaas oo xoogiisa uu ka socdo gobolka Gedo, waxaana dadka hogaaminaya ayna xigto iyo dhalasho wadaagaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, arrintaan waxey abuurtay tuhun badan oo ah iney is ogyahiin Farmaajo iyo xubnaha kasoo horjeeda Axmed Madoobe.
Sida caadiga ah beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan waxaa loo arkaa laba awoodood oo isku garbineysa maamulka Jubbaland, laakiin xilliga uu kusoo aaday kacdoonka looga soo horjeedo Axmed Madoobe ma caawineyso reer Gedo, sababtoo ah labada beelood ee isku heysata xukunka Jubbaland midkood hadda waxey heysataa kursiga ugu sareeya Soomaaliya (Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo).
Qabaa’ilka kale ee daga Jubbaland waxey qabaan in beesha uu ka dhashay madaxweyne Farmaajo ay ka laabtaan damacooda ku aadan iney la dagalaamaan Axmed Madoobe, laba arrimood dartood.
Midda koowaad: Waa iney heystaan kursiga ugu sareeya Soomaaliya taasoo ka dhigan inuu awood qeybsiga u diidaayo iney isku heystaan Jubbaland iyo Somalia, tiiyoo ay jirto iney madaxweyne ku xigeen ka heystaan Galmudug.
Midda labaad: Waa in sumcad darro uu ka qaadaayo madaxweyne Farmaajo, sababtoo ah waxaa loo arki doonaa inuu beeshiisa wax dheeri ah u raadinaayo.
W/Q: Cabdulqaadir Maxamed Jaamac
Kismaayo, Soomalaiya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

